336 Views

Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh oo gaaray Adis Ababa iyo Abiy oo soo dhaweeyay

Madaxweynaha dowladda federaalka  Xasan Sheekh oo gaaray Adis Ababa iyo Abiy oo soo dhaweeyay
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 28, 2022

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo xubno la socda ayaa madaxweyne Xasan Sheekh si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Adis Ababa, waxaana madaxweynaha iyo wafdigiisa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Itoobiya.

hMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xasaasi ah la qaadan doona Ra’isul Wasaare Abiy Axmed, labada masuul ayaana kawada hadli doona xoojinta xariirka labada dal, arrimaha amniga iyo arrimo kale oo labada dal quseeya.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay magaalada Adis Ababa ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu dalkaasi ku tago, waxaana safarkan uu imaanaya xilli uu mugdi galay xiriirkii ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post