915 Views

Wasiir Sadiiq Warfaa oo la kulmay Mas’uul ka tirsan Dowladda Jarmalka

Wasiir Sadiiq Warfaa oo la kulmay Mas’uul ka tirsan Dowladda Jarmalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado   , March 4, , 2020 —Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaaf ayaa qaabiley Madaxa iskaashiga horumarinta Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliy Marius Rauh,,waxayna ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka taariikhda dheer ee Soomaaliya iyo Jarmalka ee iskaashiga dhinacyada farsamada, waxbarashada xirfadaha iyo tababarada.

 

Dowladda Jarmalka, waxay ka taageeraysa wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya , sidii lagu horumarin lahaa xirfadaha iyo tababarrada, iyadoo kooxdii u horreysay oo ka tirsan Waaxda Xirfadaha iyo Tababbarada dhowaan loo qaadi doono dalka dibaddiisa , si kor loogu qaado xirfaddooda ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka

 

 

 

Sidoo kale waxaa Warka wasiirka lagu sheegay in dhawaan dib loo howlgallin doono dugsiyada farsamada gacanta ee ku yaal caasimadda Muqdisho iyo dowlad-gobolleedyada dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment