552 Views

Kursigii Cabdiwali Muudeey oo lagu doortay magaalada baraawe.

Kursigii Cabdiwali Muudeey oo lagu doortay magaalada baraawe.
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 16, 2022

Maxamed Cabdalla Axmed ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisa uu yahay #HOP145 oo saaka doorashadiisa ka dhacday Baraawe. Maxamed Cabdala Axmed ayaa helay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdulaahi Ahmed Cabdi uu heley 12-cod.

Kursigan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Muuddeey.

Cabdiweli Muuddeey ayaa Sabtidii laga celiyay diyaarad uu u raaci lahaa magaalada Baraawe oo lagu qabanayay doorashada kursigan maanta doorashadiisa la qabtay.

Muudeey wuxuu sheegay in arrinka ku dhacay ay tahay mid gef ah, oo lagu xad gudbayo xuquuqdiisa asaasiga ah.

“Qolada duulista hawada sare Baraawe waxa ay diyaaradda ku yiraahdeen haddii aad soo qaaddaan diyaaradda oo dhan ayaan rideynaa” ayuu yiri Cabdiweli Muudeey xilli uu Sabtidii la hadlayay warbaahinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post