822 Views

Booliska Dubai oo xiray dalxiisayaal muuqaallo qaaqaawan iska duubay kaddibna soo dhigay baraha bulshada

Booliska Dubai oo  xiray dalxiisayaal  muuqaallo qaaqaawan iska duubay  kaddibna soo dhigay baraha bulshada
____________________________________________________________________________

April 06, 2021

Booliska Dubai ayaa xiray koox dalxiisayaal lagu soo eedeeyey iney meel fagaara ah muuqaallo qaaqaawan ay isaga dubeen kaddibna soo dhigay baraha bulshada.

Muuqaalka oo ay dalxiisayaashu Sabtidi baraha bulshada ku baahiyeen waxaa ka muuqda dumar koox ah oo qaaqaawan oo muuqaallo meel fagaara ah isaga duubaya.

Qunsulka Ukraine u jooga Dubai wuxuu sheegay dadka ay booliska Dubai xireen iney ku jiraan 11 dumar ah oo Ukraine u dhashay.

Warbaahinta Ruushkana waxay sheegeen dadka la xiray iney ka mid yihiin muwaaddiniin u dhashay Ruushka.

Qofka oo meel fagaara ah si ulakac ah isugu qaawiyo sharciga Dubai wuxuu ku muteysanayaa ilaa iyo lix bilood oo xarig ah ama ganaax dhan 5,000 oo dirham.

Sharciga dalka Iisutagga Imaaraadka Carabta oo intiisa badan waafaqsan shareecada islaamka waxaa jiro ficillo lagu muteysanayo xarig oo uu ka mid yahay xiriirka dhex maro dadka isku jinsiga ah.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post