1719 Views

Ciidamo mar kale gudaha u galay magalada Jigjiga

Ciidamo mar kale gudaha u galay magalada Jigjiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 6, 2018 –  Ciidamo aad u hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa gudaha u galay magaalada Jigjiga ee xarrunta ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Sida ay baahisay idaacadda afka dowladda ku hadasho ee Fana, wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi, ayaa ku warantay in gelidda ciidamada ee magaalada ay ku timid codsi uga yimid maamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Waxay Fana sheegtay in ay ciidamadu si dhaqso leh u billaabi doonaan howl gallo.

Ma jiro war ka soo baxay maamulka Soomaalida oo ku saabsan ciidamadan cusub ee soo galay Jigjiga.

Arrimahani waxay imanayaan xilli Sabtidii ay magaalada ka dhaceen qalalaase, kadib markii ciidamada federaaalka Itoobiya ay gudaha u galeen.

Qalalaasaaasi, ayay maamulka Soomaalida ee Itoobiya waxay sheegeen inay ku dhinteen dad 29 qof, sida uu sheegey Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa xarrunta xisbiga ka taliya ismaamulka Soomaalida.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment