138 Views

Madaxweyne Xasan oo Baaq u Diray Dhallinyarada Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan oo Baaq u Diray Dhallinyarada Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah ku maamuusay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa ku bogaadiyay doorkooda taariikhiga ah ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka, dagaalka ka dhanka Al-shabaab iyo qorshaha dowladda ee ka hortagga xad-gudubka dowladda Itoobiya ee madax-bannaanida dalka iyo difaaca dhulka Soomaaliyeed, isagaoo baaq u diray guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Yaan micno loo yeelyeelin dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu soo duulay, jiritaan qabka qofka Soomaaliga ah meelkasta uu caalamka ka joogo ayaa lagu soo duulay, ma ahan dadka Soomaaliyeed eek u noool deegaanka la sheegay, Waqooyiga ama Koonfurta Soomaaliya ku nool ma ahan, meel kasta oo shqsi Soomaali ah uu joogo ayaa lagu soo duulay waana ka jawaabeen ’ ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa ammaanay dhallinyada ku jira ciidanka xoogga dalka oo Al-shabaab dagaalka kula jira iyo xoogagga shacabka ee taageeraya marka la eega, waxaana dhallinyada kale aan ku jirin ciidanka uu ugu baaqay in la joogo waqtigii loo istaagi lahaa difaaca qaranimada iyo madaxbannaanida dalka.

‘Dhallinyarda magagga lahoow ee faraha badanow waxaan idin leeyahay maalintii la kala harayay oo guryaha la joogayay ma ahane haloo diyaargaroobo difaaca dalka, usoo istaaga kasoo baxa guryaha, cadeysta mowqifkiina, waxaad rabtaan oo qalbiga aad ka jeceshihiin ku qowla bannaanka la imaada, meel kasta aad joogtaan, haddii loo baahdo inaad naftiina u hurtaanna u diyaar garooba” ayuu yiri.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ay soo saareen xeer lagu laalay heshiiskii isafgarad ee madaxweyanha Somaliland uu la galay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ee heshiiska badda gobolka Awdal.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post