1083 Views

Haweeney ka tirsanayd guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda kaaran oo saakay la dilay

Haweeney ka tirsanayd guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda  kaaran oo saakay la dilay
____________________________________________________________________________

Talaado:  June 22 2021

Wararka ka imaanaya saakay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dil qorsheysan ouu ka dhacay Halkaas, ayna geysteen  dabley hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in Dilkan uu ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha degmada kaaraan waxaana loo geystay haweeney magaceeda lagu soo koobay Suldaano.

Haweeneydaan saakay Alshabaab ay dileen ayaa la sheegay in ay ka tirsanayd  maamulka degmada Karaan, isla-markaana ay ka tirsaneyd guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda degmadaasi.

Sidoo kale waxaa meesha uu dilku ka dhacay daqiiqado kadib gaaray sida caadada ahayd ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post