1461 Views

Taliye ku-xigeenka Booliska Kaniif oo garay Galkacyo kadib Dilkii sh. Cali dhere

Taliye ku-xigeenka Booliska Kaniif oo garay Galkacyo kadib Dilkii sh. Cali dhere
____________________________________________________________________________

Taliye Kaniif ayaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Galkacayo

May 14 2021

Taliye Kaniif ayaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Galkacayo waxaa kusoo dhaweeyay Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Galmudug G/sare Khaliif Abdulle maalin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan qeybta gobolka Mudug.

Ujeedka safarka Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Kaniif ayaa ku qotoma xal ka gaarista qalalaaso ka dhashay dilkii dhawaan duleedka Gaalkacyo loogu gaystay Sheikh Cali Axmed Faarax (Sheikh Cali Dheere)

sidoo kale e Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie ayaa lafilayaa in uu isna goordhow soo gaaro Gaalkacyo si xal looga gaaro xiisadaha kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee ka dhashay dhacdadii lagu dilay Sheikh Cali Dheere oo caan ka ahaa Deegaanada Gobolka mudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post