795 Views

Gobolka Sool oo xalay lagu af-duubay dad shacab ah oo ku safrayay laamiga

Gobolka Sool oo  xalay lagu af-duubay dad shacab ah oo ku safrayay laamiga
____________________________________________________________________________

Axad: july 18, 2021

Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu af-duubay dad shacab ah oo ku safrayay laamiga.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dabley hubaysan ay gaari kala dageen dadkaas islamarkaana af-duubteen.

Dadka la af-duubtay ayaan ilaa iyo haatan la aqoon meel la geeyay waxaana dadka degaanka laga soo xigtay in af-duubkan daba socday kadib markii Somaliland xirtay nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur.

Cabdikariin Cali Nuur ayaa Laascaanood lagu xiray kadib markii uu taageero u muujiyay madaxweyne Farmaajo waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post