1500 Views

Akhriso:-Wararkii U Dambeeyay Shabaab Oo Gudaha Kenya Ku Weeraray Shaqaalaha Shirkad Ajnabi Ah

Akhriso:-Wararkii U Dambeeyay Shabaab Oo Gudaha Kenya Ku Weeraray Shaqaalaha Shirkad Ajnabi Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2019–Booliska Kenya waxay sheegeen in xalay dabley hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay dhismo ka waday shirkad Shiinees ah.

Taliyaha booliska Joseph Boinnet wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay fashiliyeen weerarka ka dhacay deegaanka Shimbirey oo ku yaalla inta u dhexeeysa magaalooyinka Gaarisa iyo Madoogaashe.

Ilaa hadda lama sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii weerar uu ka dhacay magaalada Nairobi halkaas oo ay ku dhinteen 21 qof kaddib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaaday dhismaha DusitD2.

Weerarkaasi waxaa sheegtay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab siweyn uga soo horjeeda joogitaanka Soomaaliya ee Ciidanka Kenya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment