225 Views

Mareykanka oo sheegay in saraakiil katirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacday Hiiraan

Mareykanka oo sheegay in saraakiil katirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacday Hiiraan
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Taliska Mareykanka u qaabilsan howlgallada qaaradda Afrika ee (AFRICOM) ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in diyaaradaha aan duulliyaha laheyn ay beegsadeen saraakiil katirsan Ururka Al-shabaab kuwaas ku sugnaa meel u dhaw Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan 23kii October 2022.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntan ay dhacday xilli xubnaha katirsan Al-shabaabay dagaal kula jireen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo dadka deegaanka.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaas ka dhacday Gobolka Hiiraan aysan waxyeello ka soo gaartay dadka rayidka, arrintaasina ay ku xaqiijiyeen baaritaanno ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka.

Mareykanka ayaa si gaar ah u sheegay in qiimeyn hordhac ah uu sameeyay uu ku ogaaday in weerarkaas uu ku dilay 2 sarkaal balse ma sheegin magacyadooda iyo derajada ay ka joogeen Ururka Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post