1545 Views

Nin la shaqyn jiray Donald Trump oo lagu xiray Los Angeles, isagoo loo haysto in uu basaas u ahaa UAE

Nin la shaqyn jiray  Donald Trump oo  lagu xiray Los Angeles, isagoo loo haysto in uu basaas u ahaa UAE
____________________________________________________________________________

Arbaco: july 21 2021

 Hantiile Thomas Barrack oo ay muddo dheer saaxiibbo ahaayeen madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu xiray Los Angeles, isagoo loo haysto in uu u shaqeynayay dowlad shisheeye.

74 jirkan asaasay shirkad ka shaqeysa maalgashiga ayaa la taliye sare u ahaa madaxweynihii hore xilliguu uu socday ololihii 2016, waxaana lagu tilmaamaa inuu kamid yahay dadka dhaqaalaha ugu badan ku bixiyay Trump.

Barrack ayaa lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah ugu ololeynayay Isutagga Imaaraadka Carabta xilligii uu xukunka hayay Trump.

Afhayeen u hadlay ninkan maalqabeenka ah ayaa sheegay in Barrack uusan qiran doonin dacwadaha loo haysto.

Waxa uu kamid yahay tiro mas’uuliyiin Trump la shaqeysay oo dowladda Federaalka Maraykanka ay ku soo oogtay dacwado.

Waxaa Barrack si gaar ah loogu haystaa inuu maleegay qorshayaal loogu shaqeynayo dal shisheeye, uu hareer maray cadaallada, isla markaana marar badan been u sheegay hay’adda FBI oo waraysi la yeelatay sanadkii 2019.

Ragga kale

Waxaa sidoo kale dacwad lagu soo oogay Matthew Grimes oo u shaqeynayay Barrack iyo Rashid Sultan Rashid Al Malik Alshahhi oo u dhashay Imaaraadka Carabta.

Siihayaha kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka, Mark Lesko, ayaa sheegay in dacwadaha loo haysto Thomas Barrack ay ka dhigan yihiin “inuu khiyaanay” mas’uuliyiinta Maraykanka oo uu kamid yahay Trump.

Saddexda nin ayaa loo haystaa in ay danaha Imaaraadka ka fuliyeen gudaha Maraykanka, iyagoo saameyn ku yeeshay mas’uuliyiinta xukuumaddii Trump iyo weliba warbaahinta gudaha.

Barrack ayaa lagu eedeeyay in bishii May 2016 khudbad uu Trump ka jeedin lahaa ololihiisa uu ku daray qodob uu ku ammaanayo Imaaraadka, iyo in nuqul kamid ah khudbadda aan la jeedin loo diray xukuumadda Abu Dhabi iyadoo la sii mariyay Alshahhi.

Saddexda nin ayaa sidoo kale loo haystaa in arrimaha ay ka sheegi jireen warbaahinta looga soo diray Imaaraadka Carabta.

“Kadib markii uu Barrack marar badan ku ammaanay Imaaraadka waraysi uu telefishin siiyay, ayaa waxa uu email u diray Alshahhi, isagoo leh “si wanaagsan ayaa u ammaanay kooxdeen,” isagoo ula jeeday Imaaraadka,” ayaa lagu sheegay warqadda dembi oogidda.

Raggan saddexda ah ayaa sidoo kale loo haystaa in ay u ololeeyeen qof ay dooneyso xukuumadda Imaaraadka in laga dhigo safiirka Maraykanka u fadhiya Abu Dhabi.

Inkastoo Barrack iyo Grimes Talaadadii lagu xiray California, ayaa weli waxaa baxsad ah Alshahhi.

Xukuumadda Imaaraadka Carabta ayaa xiriir aad u dhaw la lahayd maamulkii Trump.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post