720 Views

Raiisul Wasaarihii hore ee Somalia oo geeriyooday & Dowladda oo ka hadashay

Raiisul Wasaarihii hore ee Somalia oo geeriyooday & Dowladda oo ka hadashay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November18, 2020 –
Magaalada Hargeysa waxaa Maanta ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii Wasaarihii ee Soomaaliya marna soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cumar Carta Qaalib.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Cumar Carte Qaalib waxaa uu ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa, oo ugu dambeyn Maanta ku geeriyooday.

Dhawaan waxaa xanuunka Cumar Carte Magaalada Hargeysa u tegay Wiilkiisa Maxamed Cumar Carte, oo kamid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo xilka iska casilay.

Cumar Carte Qaalib ayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya soo qabtay burburkii kaddib gaar ahaan dowladii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa tacsiyadeeyay geerida ku yimid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Inna lillaahi waa inna illayhi Raajicuun.

Waxaan tacsi u dirayaa Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allahu naxariistee marxuum Cumar Carte Qaalib. Wuxu ahaa Oday guurti ah oo door muuqda kaga jira sooyaalka dalkeenna. Wuxu soo noqday Ra’iisalwasaare sidoo kale Wasiirkii arrimaha dibadda.

Marxuumku tacab badan ayuu gashaday dalkiisa, wuxuuna ka qayb qaatay dib u heshiisiinta dadka, si waddaniyad iyo daacadnimo leh ayuuna shacabka Soomaaliyeed ugu soo shaqeeyay. Waxaan alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post