396 Views

Shirkii Laascaanood isimada iyo Waxgaradka oo isku raacay in Somaliland ka baxdo Gobolka Sool

Shirkii Laascaanood isimada iyo Waxgaradka oo isku raacay in Somaliland ka baxdo Gobolka Sool
____________________________________________________________________________

Axad: January 8, 2023

Waxaa maanta oo Axad ah  magaalada Laascaanood Shir ku yeeshay Guddiga Aayo ka tashiga bulshada SSC , Waxay sheegeen in shaqadii loo igmadey ka soo baxaan,  bulshada gobolka  Sool Iyo Madaxda dhaqanka iyo Waxgaradka ayay la wadeegeen go’aano iyagoo sheegay inuu xalku ku jiro inay ciidanka maamulka Somaliland ka baxaan deegaanka, si loo helo  nabad gelyo, deris wanaag,  iyo wada noolaansho.

Madaxda dhaqanka , Culimo iyo Wagarad shirkan ka hadlay waxaa hadaladoodii kamid ahaa.

“Hadii aanu is caddeyno hadaanu nahay isimada dhaqanka waxaanu la talo nahay oo la dareen nahay dareenka bulshadeena , Somaliland hanaga baxdo , anagaa tashanayna “  Garaad C/Laahi Guuleed.

“Inaad u midowdaan aayihiina awood ka weyn oo aad heli kartaan ma jirto ,Bulshadu ha isu tashato si ay uga gudubto dhibaatada haysata”  Sheikh Aadan Wali

“Shacabka SSC Somaliland dhuunta ayey u dhaafi waydey 15 kii sano ee ay haystay wax walba oo ay akhriyaan shacabkii waa liqi waayeen , idinka oo tix gelinaya dhaqanka , Diinta iyo wixii kale ee naga dhaxeeya naga baxa , muddo yar na idiin siin mayno “  Caaqil C/Risaaq Falaalug

“Waxaan ugu baaqayaa in ay iscafiyaan dhamaan bulshada SSC oo qalbiga isu furaaan , is cafiya kadib ayaa wax waliba way inoo hagaagayaan “  Jiif Caaqil Maxamuud Askar.

“Waxaan soo dhawnayaa go’aamada ay soo saareen gudiga talada ee SSC , Waxayna u baahan tahay inaan ficil u bedelno oo aan kaga dhabbayno “  Afhayeen Cabdikariim Cali Nuur.

“Talada gobolka Sool waxaa laga la xidhiidhayaa gudiga aayo ka tashiga talada SSC oo ay bulshada iska soo dhex dooratay ,  talada wixii ay soo go’aamiyaana ayaa lagu soconayaa”  Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

“Somaliland mudadii ay 15 ka sano ee ee haystay gobolka Sool Taariikhdeena halaga jaro sidii ay Ethopia Taariikhdeeda uga jartay “  Caaqil Aadan Cawil Yuusuf .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post