903 Views

Dalka Jarmalka oo Muwaadiniintiisa ugu baaqay inay ka soo baxaan Dalka Itoobiya.

Dalka Jarmalka oo Muwaadiniintiisa ugu baaqay inay ka soo baxaan Dalka Itoobiya.
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 24, 2021

  Jarmalka ayaa ku booriyay muwaadiniintiisa Talaadada inay uga baxaan Itoobiya duullimaadyada ugu horreeyay ee ganacsi ee la heli karo, iyagoo ku biiraya Faransiiska iyo Mareykanka oo sidoo kale u sheegay muwaadiniintooda inay si degdeg ah u baxaan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muwaadiniinta Jarmalku ay socdal ku mari karaan garoonka caalamiga ah ee Bole ee Addis Ababa.

Dalal ay Canada ka mid tahay ayaa iyaganu toddobaadkii hore ugu baaqay inay muwaadiniintoodu si deg deg ah uga baxaan Itoobiya.

Qararmada Midoobay ayaa iyana Taladaadii sheegtay inay boqolllaal ka mid ah qoysaska shaqaalahooda in laga soo rari doono Itoobiya.Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post