3987 Views

Ethiopia: Dad banaanbaxaya oo gubay beero Ubax ah

Ethiopia: Dad banaanbaxaya oo gubay beero Ubax ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 2, 2016: Shirkad Ubaxa beerto oo laga leeyahay dalka Netherland ayaa sheegtay in dad banaanbaxaya oo ka soo horjeeda dowlada Ethiopia ay gubeen beero ubaxa lagu beero iyadoo dadka banaanbaxaya ay beegsanayaan ilaha dhaqaalaha dalka Ethiopia si ay u curyaamiyaan.

Ubaxa oo ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee laga dhoofiyo dalka Ethiopia ayaa la sheegay in beero ubax ah oo lagu maalgeliyay lacag gaareysa 10 malyan oo Yuro kuna yaal Bahar Daar ay ku bas beeleen dabkan lagu qabtay.

Warkan ka soo baxay Esmeralda ayaa imanaya iyadoo banaanbaxyo loogaga soo horjeedo dowlada Ethiopia ay ka dhacayeen gobolada Oromia iyo Amhara toddobaadyadii la soo dhaafay. Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dad badan ay ku dhinteen.

Ururada xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay u isticmaalayaan awood dheeraad ah dadka banaanbaxaya oo ay sidaas ku dilaan.

Dowlada Ethiopia ayaa isbahaysi la leh wadamada reer galbeedka iyadoo wadamada reer galbeedkana ay ku eedeeyaan dowlada Ethiopia inay aamusiso dadka mucaaradka ku ah iyadoo mararka qaarna ay xayirto isticmaalka internetka iyo meelaha wararka laga helo.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment