726 Views

Kenya oo lacag badan dul dhigtay shakhsiyaad falal argagixisanimo loo heysto

Kenya oo lacag badan dul dhigtay shakhsiyaad falal argagixisanimo loo heysto
____________________________________________________________________________


Talaado: November 9, 2021

Waaxda Dembi Baarista Kenya ayaa ballan qaadday inay adduun dhan Sh10 milyan abaalmarin ahaan u siineyso qof walba oo warbixin ka keena shakhsiyaad loo heysto falal argagixisannimo.

Raggan la raadinayo waxaa ka mid ah:

Salim Rashid Mohamed: Waxaa loo yaqaannaa Achotara ama Turki, waxaana looga shakisan yahay inuu dhowaan ku biiray kooxda Dowladda Islaamka ee dalka Mozambique.

Waxaa ninkaasi lala xiriirinayaa dembiyo ka dhacay Mombasa iyo qeybo ka mid ah koofurta gobolka Xeebta.

Barigi Abdikadir Haila: Barigi ayaa dhowaan ku biiray Al-Shabaab-ta Soomaaliya. Wuxuu ka soo jeedaa degmada Mooyaale ee dalka Kenya.

Elgiva Bwire Oliacha: Waxaa loo yaqaannaa magacyada kala ah Seif Deen Mohamed, Japhar, Japhel Okuku, Abu Muadh. Wuxuu ahaa maxbuus hore oo falal argagixisannimo loo heystay oo bishii October ee sanadkan laga soo daayay xabsiga Kamiti ee magaalada Nairobi.

Elgiva wuxuu wacad ku maray inuu weerarro aargoosi ah ka fulin doono gudaha Kenya.

Muhammad Abubakar: Waxaa loo yaqaannaa Minshawary, waxaa looga shakisan yahay inuu ku biiray Al-Shabaab-ta Soomaaliya. Wuxuu ka soo jeedaa deegaanka Kibokoni ee magaalada Mombasa.

Trevor Ndigwa: Waxaa loo yaqaannaa Isriss Jamal, ninkan oo lagu sii daayay damaanad ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu ku biiray Al-Shabaab-ta Soomaaliya. Wuxuu ka soo jeedaa magaalada Nairobi. Trevor iyo kooxdiisa ayaa lasheegya inay qorsheynayeen inay dalka ku soo laabtaan oo ay weerarro ka fuliyaan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post