1845 Views

Walaac laga muujiyay Shaqadda Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug

Walaac laga muujiyay Shaqadda Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kasoo jeedda degaanada maamulka Galmudug ayaa Walaac ka muujiyay sidda ay wax ku waddaan Guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

 

Guddiga ayaa lagu eedeeyay in aysan dib u heshiisiin ka waddin Galmudug laakiin ay doonayaan Siminaar kooban in ay u qabtaan beelaha ku sugan degaanada maamulka Galmudug.

 

 

 

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Guddiga wali uu sii waddo kala qeybinta bulshadda kunool degaanada maamulka Galmudug.

 

“Waxaan arkey qoraal ka soo baxay xukuumadda oo la leeyahay waa ajandihii shirka dib- u heshiisiinta Dhuusamareeb oo muddo 5 maalin ah soconaya. Wuxuu u muuqdaa siminarraadii ay hay’adaha NGO-yada ah qaban jireen. Waxaa is waydiin leh iyadoo ay beelo 11 kii ka mid maqanyihiin, kuwo kale oo Hobyo ku shirayana ay codsadeen in dib loogu dhigo shirka si markii koodu soo idlaado uga qaybgalaan, waa ayo beelaha shirka loo furayo, xaggeese loo cararayaa? Siminaar dad meelo laga soo uruuriyey waa loo qaban karaa, laakiin shir dib u heshiisiin wuxuu u baahanyahay beelihii la heshiisiin lahaa, la xaddido baaxadda qodobbada laga heshiinayo iyo marjic khilaafka loo celiyo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

 

Waxaa uu intaa kusii daray “Dowladda Federaalka ah iyadaa Galmudug kala qeybisay, haddana khilaafkii iyo kala qaybintii ayey sii waddaa”

 

Beelaha degan qaar ka mid ah magaalooyinka Galmudug ayaa horay u sheegay in aysan ka qeyb gali doonin Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee dib u heshiisiinta ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment