1506 Views

Puntland Oo Digniin Amni Soo Saartay Inta Lagu Jiro Xaflada Caleemo Saarka

Puntland Oo Digniin Amni Soo Saartay Inta Lagu Jiro Xaflada Caleemo Saarka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 24, 2019 –Dhawaan Magalada Garoowe ayaa la filayaa in lagu qabto Munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,waxaana siweyn loo adkeeyay Amniga Magalada.

Waxaa jira ciidamo farabadan oo la geeyay Magalada Garoowe,kuwaas oo Magalada ka wada qorsho lagu sugayo amniga,waxaana Guddiga amniga ay dhawaan soo saareen awaamiir la xiriirta dhanka amniga maalmaha xaflada Caleemo saarka.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ’Dowlad’ ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga digtoonaado Qatar amni oo ay geysan karaan dadka kasoo horjeeda maamulkaas oo uu ula jeedo Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Puntland ay leedahay cadaw midabyo kala duwan leh oo dadka ku dhexjira,hayeeshee uu sheegay in Shacabka iyo Ciidamada ay digtoonaadaan Maalinta Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha.

Si kastaba laga bilaabo Maanta oo Khamiis ah ilaa Maalinta Sabtida oo ay dhaceyso Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu wadaa in Magalada Garoowe ay tagaan wafuud kala duwan oo ka kala socota dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment