1059 Views

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh & Amb, Ambassador Donald Yamamoto?

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh & Amb, Ambassador Donald Yamamoto?
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 2 2020—Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay safirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen arimaha Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaah doorashooyinka Somaaliya ee sanadka 2021 , iyada oo lagu guda jiro xilli kala guur ah.

Safirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu hor boodayay siyaasadda Soomaaliya, isaga oo mid mid ula kulmayay Saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

Ambassador Donald Yamamoto ayaa shalay Muqdisho waxaa uu kula kulmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, isaga oo kala hadlay arrimo la xiriira xaalada dalka iyo kulanka ay la yeelan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post