735 Views

Dowladaha Faransiiska iyo ingiriiska oo ka wada xaajoonaya khilaaf soo kala dhex galay

Dowladaha Faransiiska iyo ingiriiska oo ka wada xaajoonaya khilaaf soo kala dhex galay
____________________________________________________________________________


Talaado: November 2, 2021

Faransiiska ayaa isniintii dib uga laabtay khilaafkii kala dhaxeeyay UK ee ku saabsanaa xuquuqaha kalluumeysiga ee ka dib ka bixitaankii UK midowga Yurub waxayna meesha ka saareen cunaqabateyn la qorsheeyay saqda dhexe iyadoo Britain ay muujisay inay si wax ku ool ah u qaadayso shatiyada kalluumeysiga.

Madaxweyne Emmanuel Macron, oo ka qayb galaya shirka 26-aad ee Qaramada Midoobay ee isbeddelka Cimilada, ama COP26, oo ka dhacaya Glasgow, Scotland, ayaa u sheegay suxufiyiinta in aan cunaqabatayn la qaadi doonin inta ay socdaan wada xaajoodyada u dhexeeya Faransiiska, UK iyo Guddiga Yurub.

Britain ayaa dhankeeda ku boorisay Faransiiska inuu ka laabto hanjabaadaha la xiriira kastamka oo kordhay iyo hubinta fayadhowrka ee badeecadaha iyo xamuulka ka imaanaya UK iyo mamnuucista maraakiibta kalluumeysiga ee Britain inay wax soo saarkooda ku dejiyaan dekeddooda, taasoo carqaladeyn doonta ganacsiga labada waddan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post