768 Views

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo ka Dayriyay xaalada dalka Meesha uu marayo

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo ka Dayriyay xaalada dalka Meesha uu marayo
____________________________________________________________________________

Mar: 1/3/2021

Dalka Soomaaliya wali ma jiro heshiis iyo jadwal rasmi ah oo ku aadan xiliga rasmiga ah ee ay doorasha madaxtanimada ay dalka ka dhici doonto.

Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa Khamiistii magaalada Muqdisho kuwada gaaray heshiis lagu qaboojinayay xaaladda caasimadda oo meel halis ah bishan dhexdeeda gaartay.

Madax hore oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya, qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa si weyn u soo dhaweeyay in xaaladii kacsanayd ee dowladda iyo mucaaradka la dajiyay.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo ka hadlay xaaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee hadda uu dalka ku jiro ay tahay tii ugu adkayd muddo sannado ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post