777 Views

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2020 –Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland  Cabdirashid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Cabdi Casiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa  Xildhibaannada ku ansixiyeen Miisaaniyadda sanadka 2021.

Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 54 Mudane, iyaga oo dood adag ka yeeshay Miisaaniyadda Puntland, ka dib soo gudbinta warbixinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka sida uu qabo qodobka 64-aad, iyo 135-aad ee Dastuurka DPL, iyo qodobka 58-aad, 62.6-aad iyo 63-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Dooda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay $ 341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 ( Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).

Dood ka dib, Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda sanadka 2021., waxaana guddoomiyaha Wakiillada Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibril uu fadhiga ka sheegay in ay ansax tahay miisaaniyadda 2021.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post