519 Views

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo eedeymo dhowr ah u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo   eedeymo dhowr ah u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa eedeymo dhowr ah u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

“Madaxweyne Muuse Biixi saad ogtihiin doorashadii uu ku yimid waxay ahayd mid Somaliland kala qeybisay, oo qabiil ku kala qeybisay, muran baa ka dhashay, alxamdulillaah annaga ayaa soo afjarnay oo waxaan oggolaannay doorashada si kasta ha ahaatee, intaan danta qaranka eegnay,” ayuu yiri Waraabe.

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta gudaha la hadlaayay ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi inuu Somaliland u horseeday xaalad qalalaaso ah.

“Markii ugu horreysayba Madaxweyne Muuse wuxuu ina geliyay dagaal Tukaraq oo aan laga tashan, oo reer yaroo meel fadhiya nala simay, Somaliland iyo Puntland baa dagaallamaya ceeb bay nagu ahayd, intaa kaddibna wuxuu ina geliyay murankii Caarre oo jiitamay oo mararka qaarkood oo waxyaalihii aan ku wada hadalnay sheegi lahaa ama soo qori aysan Somaliland maanta wada fadhideen,”

Feysal oo arrimo dhowr ah ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in madaxweynuhu bilaabay qabyaalad sidaas darteedna ay ka tashanayaan madaxtinnimadiisa.

“Dastuurka haddii aad ilaalin weydo waxaan ballan ku qadayaa in aanad hal habeen madax weyne sii ahaan doonin.” Ayuu intaas raaciyay Feysal Waraabe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post