1116 Views

Cabsi xoog leh oo ka jirta xaafada islii Nairobi iyo Ciidamo lagu soo daadinayo saacadaha soo socda.

Cabsi xoog leh oo ka jirta xaafada islii Nairobi iyo Ciidamo lagu soo daadinayo saacadaha soo socda.
____________________________________________________________________________

isniin: October 11, 202

Xili 24 saac ka yar ay ka dhiman tahay Go’aanka maxkamadda ICJ ay ka soo saarayso  xukunka dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya  ayaa waxaa ka jira magaalada Nairobi Cabsi xoogan.

Magaalada  Nairobi gaar ahaan xaafada islii ayaa waxaa lagu wadaa in  Bari lagu soo daadiyo Ciidamada Dalka Kenya, kadib Markii Ganacsatada ay arintaas goor dhawayd ooo Cawa ah ay shaaciyeen.

Talaadada berri ayaa lagu wadaa in maxkamadda ICJ ay soo saarto xukunka dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, go’aanka maxkamadda ayaa la saadaalinayaa inuu jiho kale u weeci karto xiriirka iyo wada-noolaashaha shucuubta iyo dowladaha labada dal.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa ku baaqday in aan la samaynin  banaanbaxyo loogu dabaal Dagayo Guusha ICJ ay bari ku dhawaaqi doonto.

Guddi ay ku mideysan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa caawa la kulmay guddiga amniga qaranka ee wadanka Kenya, waxayna kala hadleen khatarta ka dhalan karta hadii shacabku ka gadoodo xukunka maxkamadda.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa dadka reer Kenya ka codsaday inay aysan berri dhigin wax banaanbax ama dabaal deg ah, cid kasta oo ay guushu raacdo, si looga badbaado isku dhacyo rabshado wata oo ka dilaaca dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post