273 Views

Madaxweynihii hore ee Barazil Lula da Silva oo mar kale ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Brazil

Madaxweynihii hore ee Barazil Lula da Silva oo mar kale  ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Brazil
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 31, 2022

Madaxweynihii hore ee Barazil Lula da Silva ayaa ku guuleystey doorashadii maalintii Axadda ka dhacdey Brazil taas oo xaqiijineysa inuu ku soo laabanayo xafiiska markii saddexaad, isagoo ka adkaaday Jair Bolsonaro oo ka tirsan xisbiga midigta fog. Wuxuu ku baaqay “nabad iyo midnimo” ka dib olole doorasho oo kharaar.

Brazil waxay isticmaashey nidaamka codaynta ee elektarooniga ah, tirinta codadka dalka ayaa si degdeg ah u dhacday, natiijadii doorashaduna waxay ahayd mid cad habeenkii isniinta. Sida laga soo xigtay maamulka doorashada, Lula ayaa ku guuleystay 50.9 boqolkiiba halka madaxweynaha hadda xafiska jooga Bolsonaro uu helay 49.1 boqolkiiba. 

“Maanta cidda kaliya ee guuleysta waa dadka reer Brazil,” da Silva ayaa u sheegay dadkii isugu soo baxay hotel Sao Paulo kadib guushiisa. “Tani maaha guul aniga iyo xisbiga shaqaalaha toona, ururadii ololaha igu taageerayna maaha. Waa guusha dhaqdhaqaaq dimuqraadi ah oo ka gudbay xisbiyo siyaasadeed, dano shakhsi iyo aragtiyo si ay dimuqraadiyadu u soo baxdo.”

 LULA DA SILVA

Doorashadan ayaa sidoo kale noqoneysa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha xilka haya uu ku guuldareysto inuu mar kale ku guuleysto doorashada.

Lula da Silva ayaa laba jeer oo hore oo isku xiga Madaxweyne ka soo noqdey Brazil 2003 – 2011, sanadkii 2016 ayaa lagu soo oogey dacwad musuqmaasuq ah, waxaana lagu xukumey sanadkii 2018 xabsi, iyada oo laga reebay tartankii Madaxweynaha. Lula ayaa laga sii daayay xabsi guri sanadkii 2019 ka dib markii maxkamada sare ay xukuntay in uusan helin nidaam cadaalad ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post