909 Views

Shil geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Shil geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-17-2020–Shilkaan gaari ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Bakaaraha degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasha iyo dhaawac soo gaaray dad ku sugnaa agagaarka Isgoyska.

Shilka ayaa yimid, kadib markii uu farriin goostay Gaari nooca Xamuulka qaado ah oo wadada marayay,waxaana uu galay Goobo Ganacsi oo halkaasi ku yaalla, iyada oo ay shilkaasi ku geeriyoodeen ku dhowaad 20 Ruux 7 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in goobta uu shilka ka dhacay ay gaareen Ciidamo boolis aha, iyaga oo kaashanaya Shacbaka Ganacsatada ahna ay ku guuleysteen inay u gurmadaan dadka waxyeelada kasoo gaaraty shilkaasi.

Dadka ku dhaawacmay Shilka gaari ayaa waxaa loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho si loogu daweeyo halka Darawalkii Gaariga ay Ciidamada Booliska Xabsiga dhigeen, iyada oo goobta shilka uu ka dhacay ay si caadi ah kusoo noqotay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post