801 Views

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo kula kulmay Nairobi safiirada Denmark iyo UK

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo kula kulmay  Nairobi safiirada Denmark iyo UK
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 29- 2019 Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”uu kula kulmay safiirka dowlada Denmark ugaga wakiil ah dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles Mette Knudsen.

 

 

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulanka uu layeeshay safiirka Denmark waxa ay isku soo qaadeen xaalada guud ee Jubbaland iyo doorashooyinka la qorsheynayo in dalka Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2020/2021.

 

Axmed Madoobe ayaa u sheegay safiirka Denmark ee dalka Soomaaliya in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara DFS iyo Dowlad goboleedyada dalka kahor doorashooyinka dalka laga qorsheynayo.

 

Marwo Mette Knudsen ayaa sheegtay in danta Soomaaliya iyo tan beesha caalamkuba kujirto in wada shaqeyn rasmi ahi dhex marto Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada, si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo dalkana loo xoreeyo argagixisada, taas oo ay sheegtey in Madaxweyne Axmed uu u yahay udub dhexaad loona baahanyahay markasta aragtidiisa amni iyo tan siyaasadeedba.

 

Axmed Madoobe oo safarkiisii u horeeyay ku tagay Nairobi kadib dib u doorashadiisa ayaa bilaabay kulamada uu la qaadanayo Safiirada Caalamka, wuxuuna shalay la kulmay Safiirka Ingiriiska ee dalka, inkastoo Xukuumada Soomaaliya wali diidan tahay hanaanka uu ku soo baxay Axmed Madoobe.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment