825 Views

Madaxweynaha DDS oo QM kala hadlay xal u helida Colaadaha & Barakacayaasha

Madaxweynaha DDS oo QM kala hadlay xal u helida Colaadaha & Barakacayaasha
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha  Dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafa Muxumed Cumar ayaa waxaa uu kulan Magaalada Jigjiga kula qaatay isku duwaha gargaarka bini’aadanimo ee qaramada midoobay u fadhiya Ethiopia Dr. Catherine Sozi.
Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arimo la xiriira u diyaargarowga abaaraha iyo howlaha la xiriira ee ka socda deegaanka Soomaalida, iyaga oo sidoo kale ka wada hadlay sida xal waara oo loogu helo dadka ku barakacay gudaha Deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo isku duwaha arimaha bini’aadanimada ee qaramada midoobay waxay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la iska kaashado dadaalada dhamaan si looga hortago qalalaasaha isla markaana looga jawaabo  hadii xaalado deg deg ahi dhacaan.
Degaano badan oo ka tirsan dhulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay qowmiyadaha kala duwan ee dalkaas, gaar ahaan Soomalida iyo Oromada, waxaana dagalkaas ku barakacay Boqolaal Ruux

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post