858 Views

Raisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo goor dhaw shir u furmi doono..

Raisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo goor dhaw shir u furmi doono..
____________________________________________________________________________

February 25, /2/ 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya waan-waantii laga dhex-waday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta mucaaradka oo la sheegay in xalay  is-faham hor udhac ah  laga gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in lagu wado saacadaha soo socda in dhinacyada ay ku heshiiyeen  Qodobo ayna goor dhaw  kulan ay ku yeeshaan Hotelka Decale ee ku yaalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka maanta dhacaya ay ka qeyb gali doonaan R/Wasaare Rooble,  Midowga Musharaxiinta, , iyo Madaxweyneyaasha Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.

Qodobadan ay Midowga musharaxiintu mucaaradka ah  ku xireen la kulanka madaxda  ayaa waxaa ka mid ah:-

1- In la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.
2- In bannaan baxa la ogolaado.
3- In shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta

Sidoo kale Dadaaladan ka socda magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid lagu dejinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay walaac xoogan ka muujiyeen in gacan ka hadal uu dhex mari karo dhinacyada isku hayo siyaasada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post