1584 Views

Ciidanka ammaanka oo gacanta ku dhigay koox burcad ah

Ciidanka ammaanka oo gacanta ku dhigay koox burcad ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 13, 2018 —Ciidanka ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay hawlgal ka sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ,waxaa ay gacanta kusoo dhigeen Koox burcad ah.

Halwgal si gaar ah looga sameeyay xaafado ka mid ah degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay koox burcad ah oo dhac ku geysan jiray Bastoolado.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Dharkeenley ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkay ciidanka oo wada 5 qof oo Labo ka mid ah yihiin kuwo hubeysan.

Raggan la qabtay ayaa la sheegay in dhac ay ka geysan jireen degmada Dharkeenley, balse weli sharaakiisha Booliiska ee howlgalkaan sameeyey wax faah faahin ah ma aanay bixin.

Ciidanka ammaanka ayaa maalmahan dambe kordhiyay hawlaha ay ku xaqiijinayaan ammaanka, iyada oo shalay degmada Warta Nabadda lagu qabtay rag hubeysan oo dhac u geysanayay shacabka ku nool degmadaasi

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment