894 Views

Imaaraadka Carabta oo Muqdisho kasoo dejisay diyaarad gargaar sidda

Imaaraadka Carabta oo Muqdisho kasoo dejisay diyaarad gargaar sidda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 14, 2020 –Dowladda Imaaraatka Carabka ayaa Diyaaraddii ugu horeysay ee sida Qalabka Caafimaad waxay soo gaarsiiyay Magaaladda Muqdisho.

 

Gargaarkan Caafimaad ayaa ah mid looga talagalay la tacaalida dhibaatada cudurka Coronovirus.

 

Diyaaraddan ayaa sidday 7 tan oo gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya, iyo 20 tan oo (WHO) uga deeqay Soomaaliya, iyadoo Agabkaan Caafimaad lagu wareejiyay Wasaaradda caafimaadka ee DFS.

 

Deeqdan ayaa waxa ay dowladda Somalia ka caawineysaa in ay qalabeyso goobaha lagu daweeyo dadka uu soo rito xanuunka Corona virus iyadoo sidoo kale u suura galin doonta shaqalaha cafimaadku iney si dardar leh ula tacaalaan cudurkan.

 

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horay Magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe uga dejisay gargaar loogu tala galay Corona Virus.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment