1011 Views

Shirki u dhaxeeya Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta oo goor dhow ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho

Shirki  u dhaxeeya Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta oo  goor dhow ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

4- Marso, 2021

Shir u dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa goor dhow ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ah midkii seddaxaad, waxaa looga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, waxuuna shirkan qeyb ka noqonayaa shirar maalmihii lasoo isla hotelkan ku dhex maray labada dhinac.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Kulankii 3aad oo u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharraxiinta ayaa ka furmay Muqdisho.”

Sidoo kale Shirka waxaa kaloo ka qeyb galaya madaxweynaha Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirkan waxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu fashilmay oo baaqday shirkii uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo markii horaba ay midowga musharaxiintu ku tilmaameen mid Farmaajo uu ku xagal-dacinayo heshiisyada iyo kulamada u socda, iyaga iyo xukuumadda.

 Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post