954 Views

Ilhan Cumar oo Cabsi gelin ku tilmaamtey Dacwadii NISA ee Haaruun Macruuf

Ilhan Cumar oo Cabsi gelin ku tilmaamtey Dacwadii NISA ee Haaruun Macruuf
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 26 2020–Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya ayaa si kulul waxaa ay uga hadashay Dacwadii ay Hay’adda NISA sheegtay inay ka gudbisay Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacadda Voa-da ee Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

 

Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Twitter-ka Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waxaa ay ku sheegtay in Go’aankaas uu yahay olole cabsi-gelin ah oo aad looga naxo.

 

 

 

“Weerarradan iyo xarigii Weriye Cabdicasiis Gurbiye ee la xiray- isaga oo ka warramaya saamaynta Covid19 ee Soomaaliya- waa xadgub aan la aqbalikarin oo ka dhan ah xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha” Ayey tiri” Ilhaan.

 

Hadalka Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyey caburinta Saxaafadda,waxaana haatan u xiran Wariyeyaal uu kamid yahay Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja).

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment