729 Views

Somalia & Turkiga oo ka wada hadlay fulinta heshiiska ay galeen

Somalia & Turkiga oo ka wada hadlay fulinta heshiiska ay galeen
____________________________________________________________________________

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa Talaadada maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka Jamhuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yılmaz, iyadoo ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka inta uu socday waxaa lagu soo qaaday sidii loo dhaqangalin lahaa iskaashi ay horey wasaaradda ula gashay dhiggeeda Turkiga,isagoo safiirka Turkiga uu qaadanayo door fududeyn ah. Is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas, ayaaa sidoo kale uga mahadceliyay Dawladda iyo Shacabka Turkiga taageerrada Dawlad dhisidda iyo horumarinta Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay safiirka inuu halkan wasaaradda nagu soo booqdo oo uu arko shaqada ka socota wasaaradda oo muhiimad weyn u leh dalka, waxay wasaradda qaadanaysaa door weyn oo taageeraya dalka inuu mar kale cagihiisa ku istaago, waxaana adeegyadii u horreeyay la gaarsiiyay bulshada kuwa ugu nugul,”

“Turkigana wuxuu ka mid yahay walaalaha garab istaaga muuqda siiyay Soomaaliya xilliga ay u baahneyd.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay Dawladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, arrimahaa oo uu sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigaliyay wasiirka iyo howl-wadeennada kale ee wasaaradda howlaha ay u hayaan dalka, wuxuuna markaa xaqiijiyay Turkiga inuu garab taaganyahay Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post