711 Views

Ruushka iyo Ukraine oo soo saara 40% sarreenka Afrika laga isticmaalo

Ruushka iyo Ukraine oo soo saara 40% sarreenka Afrika laga isticmaalo
____________________________________________________________________________


Axad: May 8, 2022

Tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu bilawday duullaanka Ruushka ee Ukraine waxaa marba marka ka dambaysa cirka isku sii shareerayey qiimaha cuntada ee dunida, iyada oo Ukraine iyo Ruushku ay ka mid yihiin dalalka soo saara qamadiga ugu badan caalamka, sidoo kale Ukraine iyo Ruushka ayaa debedda u dhoofin jiray waxyaabaha loo isticmaalo bacriminta dalaga beeraha.

Qiimaha sarreenka ayaa bishii March gaadhay heerkii ugu sarreeyey muddo 14 sano ah, halka qiimaha gallayduna ay gaadhay qiimihii ugu sarreeyey ee abid la diiwaangeliyo, sida ay sheegeen khubaro caalami ah oo qaabilsan la socodka qiimaha cuntada ee dunida oo loo soo gaabiyo IPES.

Qiimaha sare u kacay ee cuntada ayaa si gaar ah u taabtay dadka saboolka ah, kuwaas oo aan awoodayn inay iibsadaan cuntada qaaliga ah, waxaana laga cabsi qabaa inay arrintani dabka ku sii shiddo xasilooni darrada iyo khilaafaadka ka jira meelo badan oo caalamka ah.

Dalalka Ruushka iyo Ukraine waxay dhoofiyaan 30% sareenka dunida laga isticmaalo, hase ahaatee waxaa haatan hoos u dhigay dagaalada ka socda dalka Ukraine.

Dalalka sida gaarka ah ugu tiirsan wax-soosaarka dalka Ukraine waxaa ka mid ah, dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, halkaas oo 40% sareenka laga isticmaalo qaaradda Afrika laga keeno dalalka Ukraine iyo Ruushka. Sare u kaca ku yimi qiimaha sarreenka meelaha uu sida gaarka ah u taabtay waxaa ka mida qiimaha roodhida oo gaadhay meelihii ugu sarreeyey, sida dalka Lubnaan oo kale oo qiimaha rootida ay ku kordheen 70% intii hore loogu iibin jiray.

Reuters

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post