918 Views

Xasan Sheekh oo sheegay in kala shaki uu ka dhex jiro DFS & Dowlad Goboleedyada

Xasan Sheekh oo sheegay in kala shaki uu ka dhex jiro DFS & Dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 01, 2019—Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale dagaal beeleedyada kasoo cusboonaday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga ayuu sheegay in weli uu jiro kala shaki ka dhex jiro dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada,hayeeshee loo baahan yahay in taasi ay meesha ka saaraan Madaxda Dowladda Federaalka,isla markaana ay xaliyaan tabashooyinka dowlad goboleedyada.

Waxa uu sheegay in Maamul goboleedyada uu Dastuurka siinayo awood dheeraad ah sidoo kalena dowladda si la mid ah uu siinayo,hayeeshee dowladda soomaaliya ay faragelin ku heyso Maamulada dalka ka jira koontoroolna ay ku heyso gaar ahaan xilliyada ay doorashooyinka dhacayaan.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud yaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal beeleedyada khasaaraha geystay ee ka socda deegaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan,waxaana uu ugu baaqay waxgaradak deegaanada Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud inay ka qeyb qaataan joojinta dagaaladaas

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment