867 Views

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Jabuuti

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Jabuuti
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 2 2020—Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta gaaray Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Wafdiga waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Jabuuti, wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Jibuuti, Danjiraha Jabuuti u fadhiya Muqdisho iyo masuuliyiin sare.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray dalka Jabuuti halkaas oo uu shirar muhiim ah ku yeelan doono Madaxda dalkaasi, isaga oo kala hadli doona Arrimo la xiriira dhismaha dekadda Magaalada Hobyo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post