348 Views

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Markale Maantay Booqanaaya Ciidamo si Gaar ah loogu Tababaray Eriteriya Waa Kuwee?

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Markale Maantay Booqanaaya Ciidamo si Gaar ah loogu Tababaray Eriteriya Waa Kuwee?
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta booqanaya Kumanaan kamid ah ciidamada Soomaaliya oo loo tababaray Qeybta ciidanka Badda oo 2-dii sanno ee lasoo dhaafay ku qaadanayay tababaro dalka Eritrea, gabi ahaanba ciidankan ayaa maray tababaro nooc kasta oo ciidan qaato ah.

Madaxweynaha ayaa saldhigan booqan doona maanta, isagoo hadal ujeedin doona cutubyadan ciidan oo gaar loogu tababaray Ilaalinta Badda, oo ay baahi weyn u qabtay Soomaaliya, haddana sidaas oo kale qaba isla tababar Milateriga dhulka ah.

Shalay ayuu Madaxweyne Xasan lakulmay ciidamada Kumaandooska gaarka ah, ee ay tababartay dawladda Eritrea, kuwaas oo mudo dheer laga sameeyey been-Abuur ka yimi Shisheeye iyo Sokeeye.

5,000 oo ah Askar Soomaaliyeed oo leh Tayo-sare oo tababar ah awood u leh u adkeysiga daruufaha adag ee dagaalka iyo iskaga gudbida masaafoyinka dhaadheer ayay lawareegtay dawladda Federaalka.

.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post