837 Views

Ukraine oo ka dalbatay wadamada caalamka in ay sharci darro ka dhigaan calaamada Z

Ukraine oo  ka dalbatay wadamada caalamka in ay sharci darro ka dhigaan calaamada Z
____________________________________________________________________________

Arbaco March 30, 2022

Dawladda Ukraine ayaa ugu baaqday wadamada qaar inay dambi ka dhigaan isticmaalka calaamadda Z taas oo ka dhigan taageerada Ruushka.

Waxaa ku xardhan tahay calaamadaan taangiyada Ruushka ee ku sugan Ukraine, xarafka Z – ayaa u taagan “za pobedu” oo micnheedu yahay (guul).

Saddexda magaalo ee Jarmalka ah ee Berlin, Bavaria iyo Lower Saxony ayaa sheegay in cid walba oo calaamad ganacsi u isticmaasha xarafka Z uu yahay mid taageeraya dagaalka laguna ganaaxi doono saddex sano oo xabsi ah.

Wasiirka Arimaha Dibadda Ukraine Dimitry Kuleba ayaa ugu baaqay wadamada kale in ay raacaan wadada Jarmalka.

Caalamadda ayaa kol hore lagu daabacay darbiyada dhismooyinka Jarmalka, iyada oo lagu dhajiyay dunaanado, calamo iyo gawaari.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post