1212 Views

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku dagaalamay taalada Daljirka Dahsoon

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku dagaalamay taalada Daljirka Dahsoon
____________________________________________________________________________

Jimco: July 2, 2021

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku dagaalamay taalada Daljirka Dahsoon, Xili ay socotay Dabaaldaga 1 luliyo sida ay saxaafada u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah  ilaalada guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu rasaas furay, waxaana Rasaastaas ka jawaabay  ciidamo ka tirsan NISA oo ku sugnaa taalada Daljirka Dahsoon. 

“Askari ayaa rasaas ku furay ciidanka ku sugan Godka Jilacow, markii loo jawaabay waxaa dhankooda soo furay rasaas ciidamada Duufaan oo iyagana ku sugnaa banaanka taalada, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo dumar u badan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya oo la hadlay Saxaafada. 

Sidoo kale Dadka dhaawacmay ayaa saddex qof oo ka mid ah waxay ahaayeen dumar halka labada kalane ay ahaayeen rag, waxayna dhamaantood dhaawacmeen iyagoo kor ululaya Calanka Soomaaliya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post