1002 Views

The Article:”Doorashada Soomaaliya ee Mowduucyada Badan Hubantina aan dhici karin”.

The Article:”Doorashada Soomaaliya ee Mowduucyada Badan Hubantina aan dhici karin”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado   , March 4, , 2020 —Wargeyska The Article ayaa warbixin dheer  ka qoray doorashooyinka dalka waxaana uu ciwaan kaga dhigay faaladiisa doorashooyinka Soomaaliya ee hubanti ahaan aan dhici karin.

 

Wargeyska ayaa doorashooyinka soomaaliya ku qeexay Mid mowduucyo Badan,kaas oo shacabka soomaaliyeed 50 sano kadib ay doonayaan in ayaga wax doortaan.

 

“Shacabka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii heli doona fursad ay si toos ah u doortaan wakiilkooda. Ama ugu yaraan, taasi waa aragtida.”ayaa lagu bilaabay warbixinta wargeyska.

 

Qiyaasta ay doorashooyinka dalka kaga dhici karaa sanadkan 2020 dabayaaqadeed ayaa lagu qeexay Eber,taasoo ka dhigan in aaney dhici kareynbo,sababtana waxaa ay ku tilmaameen in hanaanka dimuqraadiyada Soomaaliya uu wali hooseeyo.

 

Wargeyska The Article ayaa soo Xigtay Machadka Heritage ee Daraasaad Cilmi barista waxaana uu sheegay Machadka Heritage in aaney Doorasho dhici kareyn.

 

Sababaha uu cuskaday waxaa kamid ah dhaqaalo yari, sharciyadii loo baahnaa oo jirin, amniga oo caqabada ugu weyn ah,dowladda dhexe iyo maamulada oo kala aragti duwanaan weyn ay ka jirto iyo xal aan wali la gaarin.

 

 

 

Joornaalka ayaa sheegay in wadamada caalamka ee taageera soomaaliya ay u baahan yihiin in doorashooyinka soomaaliya ay noqdaan kuwa guuleysta sidoo kalena lagu wada qanacsan yahay.

 

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliimo ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yareey ayuu wargeyska tibaaxay In Golaha amaanka Qaramada ay ka hor sheegtay in lacagta ku baxeysa Doorashooyinka ay gaareyso 53 Million oo dollar.

 

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ah Xubnaha Mucaaradka ku ah dowlada sida uu soo xigtay wargeyska ayaa ka falceliyey Lacagtaas waxaana uu sheegay in  Xukuumada aysan helin Lacag intaas ah oo ku filan.

 

Wargeyska ayaa geesta kale sheegay awood Alshabaab ay u yeelan karaan in ay weeraraan Goobaha Cod Bixinta,waxaana uu tibaaxay in taasi ay tahay Dhibaato weyn oo ay alshabaab weerari karaan,Qarxin karaan goobaha Codbixinta Dad badana halkaas ay ku dhiman karaan sida uu qoray wargeyska.

 

Waxuu sidoo kale qiray wargeyska in Madaxda Maamul Goboledyada ay doonayaan in iskood isku madax banaaneeyaan Balse madaxwayne Farmaajo uu doonayo in dowlad dhexe ee dalka ka dhalato.

 

Caqabadaha ugu weyn ayay taasi qayb  ka tahay sida uu qoray wargeyska waxaa uu tusaale u soo qaatay ciidamada la geeyey Gobolka Gedo,Doorashadii Koonfur Galbeed oo lacago lagu qarash gareeyey iyo sidoo kale Tii Galmudug.

 

Sababaha ay dowlada arintaas u sameeneyso ayuu sheegay wargeyska in madaxda dalka ay doonayaan in qof daacad u ah uu ka arimo maamul goboleed kastaa.

 

La taliye sare oo ka tirsan midowga Africa ayuu Joornaalka ka soo xigtay in madaxwayne Farmaajo uusan dooneyn dowladaha xubnaha ka ah Federaalka uu kala hadlo arintani.

 

 

 

“Waxaa ka socda qaab dhismeedka federaalka ee Soomaaliya. Haddii qaab dhismeedka federaalku uu qatar ku jiro, ma filan kartid doorasho nabad ah sida ku xusan jadwalka asalka ah ee Gobolka,”ayuu Yiri Medhane Tadesse oo ah la taliyaha midowga afrika.

 

“ilaa uu farmaajo gaaro Guul Milatari oo maamul goboleedyada ah, Uma maleynayo inuu dareemayo kalsooni ku filan inuu qabto doorashada. ”ayuu kusii daray hadalkiisa Tadesse.

 

Qodobka 53-aad ee Xeerka doorashooyinka Qaranka kaas oo u dhawan saxiixay madaxwayne Farmaajo ayaa waxaa uu qeexayaa in hadii doorashada waqtigii loogu tala galay ku dhici wayso,Barlamaanka ay go’aan gaari karaan.

 

Machadka Heritage oo wargeyska uu soo xigtay ayaa arintaas ku qeexay mid Qatar galineysa Sharciga soomaaliya “waxay khatar galineysaa sharcinimada dowladda federaalka ah, waxayna albaab u furi doontaa waqti dheeri ah oo aan xadidneyn”.

 

“Dabcan,Farmaajo waxaa uu isku dayi doonaa Muddo Korarsi”.ayuu Yiri la taliye Tadesse oo aaminsan in doorashadaas ay qalalaaso abuuri karto.

 

“Doorasho maaha, ee balse waa Khilaafka oo sii kordha, sii xumaynta dhibaatada Soomaaliya, ballaarinta kacdoonnada adag, iyo ku abuurida Gobolka Colaad heerkeedu Hooseeyo.”ayuu hadalkiisa ku xiray.

 

Guddiga Doorashooyinka ayaa wada diyaar garoow iyadoo uu sii jira khilaafka dowlada dhexe iyo maamul Goboleedyada,Xitaa ma cada Waqtiga iyo Nuuca doorasho ee dhaceysa.

 

Doorashadan ayaa ah mid kamid ah doorashooyinka afrika ee indhaha ay ku jeedaan sanadkan balse Joornaalka ayaa sheegay in Hanaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya uusan lahayn ujeedo Sax ah.

 

Xigasho:- Wargeyska The Article.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment