2823 Views

Mareykanka iyo QM oo ka hadlay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood 2

Mareykanka iyo QM oo ka hadlay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood 2
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 29 Oktoobar 2017 —War Qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Gelinkii dambe ee Shalay Hotelka Naasa-hablood qeybtiisa Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho,waxaana lagu sheegay Warka ka soo Baxay Mareykanka in si weyn ay u Cambaareynayaan Qaraxii lagu laayay Dadkii ku sugnaa Hotelka Naasa-hablood2 ee Muqdisho islamarkaana ay tacsida la wadaagayaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed intaba.

Dhanka kale War Kooban oo uu Bartiisa Twitter-ka ku qoray Wakiilka QM u jooga Soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayuu ku sheegay in Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood uu ahaa mid Fuleynimo ah islamarkaana lagu dilay Dad aan waxba galabsan.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkii Gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisdho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment