1146 Views

Shil Waxyeelo Geestay Oo Ka dhacay dalka Cuba

Shil Waxyeelo Geestay Oo Ka dhacay dalka Cuba
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 12, 2019 – Sida ay sheegayso warbaahinta maxalliga ah ee dalka Cuba shil gaari oo ka dhacay Bariga dalkaas ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan toddobo qof, oo ay kujiraan afar ajaanib ah, halka tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Laba kamid dadka ajaanibta ah ayaa kasoo jeeda dalka Argentina halka mid kalena uu ka yimid Faransiiska mid kalena uu u dhashay Jarmalka.

Dad gaaraya 33 qof ayaa ku dhaawacmay, oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay dalalka, UK, Maraykanka, Canada, faransiiska, Netherlands iyo Spain.

Gaariga baska ah ayaa shilka ku galay meel u dhow magaalada Guantánamo kaas oo u kala gooshayey Baracoa iyo magaalada caasimadda ah ee Havana,

Darawalkii gaariga ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in uu gaariga u waday si aayar ah balse uu xakamayn kari waayey waddada oo qoyanayd awgeed. goobjoogeyaal ayaa sheegay in gaarigaasi uu isku dayey in uu dhaafo gaari kale.

Gaariga baska ah oo ay lahayd sharikad dawli ah oo lagu magacaabo Viazul ayaa siday 40 rakaab ah, oo ay ku jiraan 22 ajaanib ah.

Shilka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Bariga dalkaas ku yaala ee Baracoa iyo Guantánamo

Dadka waxyeelladu gaartay ayaa waxaa kamid ahaa laba haween ah oo u dhashay dalka Argentina, oo 35 jirro ah, haweenay jarmalka u dhalatay oo 59 jir ahayd iyo nin Faransiiska u dhashay oo 67 jir ah, sida laga soo xigtay Raadiyaha Guantánamo oo liiska daabacay.

Dadka Cuba u dhashay ee shilka ku dhintay ayaa ahaa laba nin, oo da’ ahaan jiray 32 iyo 47, iyo haweeney 34 jir ahayd.

Dhanka kale, shan kamid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay xaaladoodu liidato. da’ dooda ayaa u dhaxaysa 42 ilaa 74.

Sharikadda Viazul ayaa waxaa maamula garabka militariga dalkaas u qaabilsan dhanka dalxiiska, waana mid kamid ah sababaha ay dalxiise yaashu u doorbidaan in ay tagaan jaziiraddaas.

Shilalka gawaarida ayaa aad ugu badan Cuba kuwaas oo dhaliyey ku dhawaad 4,400 oo dhimasho ah, tan iyo sanadkaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment