570 Views

Afar ka mid ah beeralayda dhaqatada shinnida olo lagu xiray dalka Chile kadib markii Banaanbax loo adeegsaday shinnida

Afar ka mid ah beeralayda dhaqatada shinnida olo  lagu xiray dalka Chile kadib markii Banaanbax loo adeegsaday shinnida
____________________________________________________________________________


Talaado: January 4, 2022

Afar ka mid ah beeralayda dhaqatada shinnida ayaa lagu xiray dalka Chile ka dib markii ay dhigeen dibadbaxyo ay ku codsanayeen in dowladda ay ka taageerto xirfaddooda.

Beeraleyda ayaa bannaanbaxyo ka dhigay afaafka hore ee xarunta madaxtooyda oo ku taalla caasimadda Chile ee Santiago.

Waxay shinnida qaniintay 7 kamid ah saraakiisha booliska oo doonayay inay goobta ka qaadaan sanaadiiq ay ku jirtay shinnida oo ay dadkii dibadbaxyada waday ay dhigeen waddo weyn oo ku taalla halkaas.

Abaaraha ba’an ee ka taagan Chile ayaa dhibaatada ku reebay dhaqashada shinnida taas oo saameysay ilaha cuntada ee shinnida sida ubaxa.

Si ay cabashadooda u muujiyaan beeraleyda, waxay afaafka hore ee madaxtooyada hor dhigeen 60 sanaadiiq ah oo ay ku jirtay shinni gaareysay 10,000 si ay booliska uga hor istaagaan in goobta ay ka eryaan.

Dibadbaxyaasha waxay doonayeen in dowladda ay dib u eegis ku sameyso qiimaha malabka ama inay ka taageerto wax soo saarka malabka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mas’uuliyiinta wasaaradda beeraha ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhibaatada soo wajahday beeraleyda shinnida isla markaana ay waxka qabanayaan xaaladdooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post