1176 Views

Taliska Booliska oo amray in la xiro 10 ka mid ah ciidan diiday in ay weeraraan guriga Jeneraal Saadaq Joon..

Taliska Booliska oo  amray in la xiro 10 ka mid ah ciidan diiday in  ay weeraraan guriga  Jeneraal Saadaq Joon..
____________________________________________________________________________

April 17 2021

Waxaa magaalada Muqdisho  xabsiga la dhigay 10 ka mid ah Ciidamada Booliiska Somaliya, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Ciidankan oo ka tirsanaa Saldhiga Degmada Hodon ayaa  la sheegay in ay diideen inay Weeraraan guriga taliyihii hore ee ciidanka booliska gobalka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon, kaasi oo dagan aagga Shiirkole.

Ciidan kan ayaa la sheegay in ay Mobilada ka qaateen Ciidamada sadaq joon, kadibna ay ku amreen in ay ka tagaan aaga oo aysan rabin Naftooda iyo Qoryaha ay wataan.

Intaas kadib ayaa la sheegay in la waayay askartaas Tel lagala soo xiriiro, saacado kadib ayay tageen saldhigii ay ka tirsanaayeen ee Degmada Hodon, waxaana la sheegay in laga shakiyay oo Xabsiga loo tabaaxay.

Sidoo kale Taliska ciidanka booliska ayaa askartaan markii ay u tageen amray in la xiro, waxaana lagu eedeeyay dacayaad amni maadaama ay ka soo tageen goob amaankeeda lagu haleeyay waliba iyadoo aan wax dagaal ah dhicin. Waxaa sidoo kale lagu qabsaday sababta aysan ula dagaalin markii ay u yimaadeen ciidanka Saadaq.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa hadda dagan balse waxaa weli jira jawi colaadeed oo ka dhashay dhaq-dhaqaaqyadii ciidan ee xalay. Dowladda Soomaaliya ayaa ka shakisan saraakiisha qaar oo ay aaminsan tahay inaysan diyaar u aheyn weerarka Saadaq Joon. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post