1368 Views

Rooble iyo Abiy Ahmed oo gaaray Jabuuti si ay uga Qeyb galaan caleemo saarka Geele.

Rooble  iyo Abiy Ahmed oo gaaray Jabuuti si ay uga Qeyb galaan caleemo saarka   Geele.
____________________________________________________________________________

May 14 2021

Wararka ka imaanaya Jabuuti ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen qaar ka mid ah Hogaamiyaasha caalamka  ka hor caleema saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dhici doonta maalinta Sabtida.

Raiisel wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kamid ah marti sharaf horeyba u tagaay magalada Jabuuti.

Édouard Ngirente, Raysal wasaaraha Rwanda ayaa sidoo kale xaflada caleema saarka ku matali doona Madaxweyne Paul Kagame.

Sidoo kale Dowladda Jabuuti ayaa 10-kii Abriil ku dhawaaqday in Madaxweynaha muddada dheer Ismaaciil Cumar Geelle uu haddana mar kale ku guuleystay doorashada si aqlabiyad leh, taasoo keentay inuu markii shanaad helo, iyadoo u cuskatay natiijooyin ku-meel-gaar ah.

Dhinaca kale shalay ayay ahayd markii Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday uu ka soo laabtay safar uu ku tagay Ugandha oo Mar kale loo Caleemo saaray in uu Hogaamiyo Museveni.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post