942 Views

Turkiga & Somalia oo ka wada hadlay Arrimaha Waxbarashada

Turkiga & Somalia oo ka wada hadlay Arrimaha Waxbarashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 11, 2019–Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashafa ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaabiri ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay safiirka Turkiga u fadhiya Somalia Danjire Mehmet Yilmaz.

 

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen xoojinta labada dal,iyada oo dowladda Turkiga ay balan qaad u sameysay Soomaaliya.

 

 

 

”Danjiraha waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal.Kor u qaadista fursadaha waxbarasho ee dowlada turkiga ay siiso ardeyda Soomaaliyeed & wada shaqeynta gudiyada Tacliinta Sare ee labada dal ayuu yiri”Mudane Jaabiri.

 

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahau dalalka Soomaaliya ka taageera dhinaca waxbarashada,iyada oo deeq waxbarasho siisay Arday farabadan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment