741 Views

Weerar lagu qaaday Bar-koontorool oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Jubbaland

Weerar lagu qaaday Bar-koontorool oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Jubbaland
____________________________________________________________________________


Arbaco:   December 8, 2021

Weerarka ayaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay qaadeen Bar-Koontorool oo Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbland ku leeyihiin degaanka Yoontooy ee dhaca duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degaanka ayaa ku warramay in dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu halkaasi ka dhacay, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Faah faahinada la helay ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbland ee ku sugnaa Goobta la weeraray.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab balse ma aysan bixin faah faahino dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka ay la galeen Al-Shabaab.

Degaanka Yoontooy iyo degaannada kale ee hoostaga Magaalada Kismaayo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab, waxaana sidoo kale Ciidamada Jubbaland dhankooda ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post