2151 Views

Baarlamaanka Soomaaliland Oo Diiday Heshiiskii Shiradda DP World Ee Dekada Berbera

Baarlamaanka Soomaaliland Oo Diiday Heshiiskii Shiradda DP World Ee Dekada Berbera
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 11, 2018–Kulan ayay Maanta golaha Wakiilada Maamulka soomaliland ku yeesheen Magaalada Hargeysa,waxana kulankaas hortegay Gudigii Soomaliland Wakiilka uga ahaa heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dekada Berbera.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire oo ka socday gudiga Wakiilka uga ahaa Soomaaliland heshiiskaas ayaa xili uu Golaha ka hor Akhrinayay hehsiiskaas waxaa buuq ku furay qaar ka mid ah Golaha Wakiilada oo diidan heshiiskaas.

Xildhiban Xaamud iyo xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa ay ku doodeen in Madaxda Soomaaliland iyo Wakiiladii heshiiskas Goobjooga ka ahaa in ay cadeeyaan ama ay Golaha Wakiilada horkeenaan.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Warabhinta si kooban ula hadlay ayaa sheegay in la doonayo dhowr qodob oo kala ah kow in marka hore Golaha Wakiilada la soo marsiiyo si ay u meel mariyaan sidoo kale heshiiskii kan ka horeeyay ee Bishii May la gaaray yaa awood u siiyay in Madaxda Soomaaliland in ay kaligood gaaraan.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Soomaliland Maanta aysan heysan aqoonsi Caalami ah sidaas daraadeedna aysan awood u laheyn in Shirkad Weyn ay Malaayiin Dollar uga qaadato in ay maalgashato Dekada Barbara iyada oo aan soo marin Golaha Wakiilada.

Ugu dambeyn waxa uu dalbaday in Golaha Wakiilada Soomaliland heshiiskaas la horkeeno si loo ansixiyo ama loo diido intaba.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment